Muqdisho ( Raxanreeb ) Hoggaan kasta oo dalka la wareeega waxa uu leeyahay isbahaysiyo dalal shisheeye oo keliya uu eego danaha ah doorashadiisa oo kaalin ay ku lahaayeen ama si kale ula saxiib.
Madaxwaynayaashii isaga kala danbeeyay xukunka ayaa siyaabo kala duwan ugu dhawaa dalal badan oo ay ugu horeeyaan carabta ay ku jirto oo midba si buu ula macaamilayay dalalka heshiiska uu kula jiray ama la galay marka uu xafiiska yimid.
Tusaala ahaan , dowladda imaaraadka carabta oo hadda kaalin muuqata ku leh siyaasadda Soomaaliya waxaa xiriirka u jaray dowladii uu hoggaaminayay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadase waxaa xiriirkaas dib u soo celiyay Madaxwaynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud , labada masuul mid meel ayuu ka eegayay maslaxadda.
Imaaraadka tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii Farmaajo waxa ay galangal hore loo arag ay ku yeelatay siyaasadda dalka , waxa ay taakuleyn dhinacyo badan leh siisay dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyadda oo ay ugu danbeysay Jubbaland oo ay ugu deeqday gawaari dagaal.
Imaaraadka heshiis iskaashi oo aad loo dhaliilay oo dhanka Militiriga ayay la saxiixatay dowladda Federaalka kaas oo maray Golaha wasiiradda Soomaaliya oo ay meel mariyeen waxaana heshiiskaas qalinka ku duugay wasiirka difaaca Soomaaliya.
Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa imaaraadka ka diiday in ay soo fara galiyaan ciidanka xoogga dalka oo hadda Imaraadka carabta uu si xoogan ugu milan- yahay , taas oo dhalisay shaki badan hab dhaqanka imaraadka.
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kol hore isaga oo ku sugan Uganda amaan kala dul dhacay imaaraadka oo bixinayay kharashka lagu tababarayo ciidan Soomaaliyeed oo ku sugan Uganda.
Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farnaajo ayaa burburiyay heshiisyo badan oo Imaaraadka kala dhaxeeyey , balse hadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib u hagaajisay xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka hase ahaatee waxaa la leeyahay waa in lagu eegaa xagal isku mid ah oo u daneynaya labada dowlad.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in ay haboonan lahayd in danaha ummadda lagu eego hasha Il mid ka duwan oo madaxda Soomaalidda ay la yimaadaan hab ka duwan sida wax u socdaan oo keeni karta in meesha laga saaro wax badan oo ay ahayd in dhaxal ahaan oo looga tago jiilalka soo socda.
Leave a Reply