Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal kula galay gudaha magaalada Muqdisho kooxda Al- Shabaab.
Dagaalkan oo khasaare dhaliyay ayaa ciidanka Dowladda iyo Al- Shabaab ku dhaxmaray degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah dagaalkan ayaa ka dhacay Beerta Cali Mahdi ee ku taala degmada Dayniile , halkaas oo weerar ay ku soo qaadeen kooxda Al – Shabaab , waxa uu socday weerarka ku dhawaad laba saac.
3 qof oo labada dhinac ayaa ilaa iyo hadda la xaqiininayaa in dagaalkan ay ku dhinteen halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo u badan dhinacyada ku dagaalamay degmada Dayniile ee Muqdisho.
War kasoo baxay Hay’ adaha amaanka ayaa waxaa lagu sheegay in lagula wareegay kooxda Al-Shabaab hub fara badan isla markaanan ay kala wareegeen Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Deeynile.
Kooxda Al – Shabaab ayaa bishan oo kale ee Ramadaan kordhiya weerarada ay ka gaystaan gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda.
Leave a Reply