Beledwayne (Raxanreeb ) Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ku sugan degmada Maxaas ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga gobolka Hiiraan.
Kulankan waxaa lagu soo qaaday inta uu socday dar-dar galinta howlgalka ka dhanka ah Al Shabab ee ka socda deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan
Shirka waxaa ka qeybgalay Taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Generaal Maxamed Tahliil Biixi Xildhibaanno kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan dowladda Hirshabelle Taliyaha qeybta 27-aad Gen. Tawane
Waxaa ku sugnaa shirkan oo arrimaha amniga u badnaa maamulka degmada Maxaas iyo Odayaasha dhaqanka kuwaas oo soo bandhigay sida ay tahay in loo sii ambaqaado howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab.
Si la mid ah waxaa diirrada la saaray muhiimadda aay leedahay dhammeestirta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka socda deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan .
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa faray saraakiisha amniga in aay dar-dar galiyaan howlgalka socda waxuuna u ballan qaaday in dowladda Hirshabelle ay wax walba ku bixin doonto howlgalka socda Hiiraan.
Leave a Reply