Mala xaliyay ciladii ku timid WhatsApp maxaase keenay ciladaas ?

Mala xaliyay ciladii ku timid WhatsApp maxaase keenay ciladaas ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa maanta muddo saacado ah hawada ka baxay barta caanka ah ee WhatsApp ay kuwada xariiraan dadweynaha, caalamka ,  waxaana hakaday farriimo la isugu diro sidoo kale la iska wacitaanka.

Arrintan ayaa saameyn weyn ku ku yeelatay guud ahaan dadka isticmaala ee ku dhaqan waddamada caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto.

Isticmaalayaashu waxay ka warrameen  dhibaatooyin ay ku qabeen dirista iyo helitaanka farriimaha. Adeeggii caadiga ahaa ee WhatsApp –ka.

Shirkadda Meta ee iska leh shabakadda WhatsApp ayaa  shaacisay in ay cilad lasoo daristay bartan, waxa ayna xustay shirkadda ku guuleestay in la xaliyo ciladan ku timid adeegga WhatsApp.

Shirkada Meta yaa markii dambe xaqiijisay cilladan laga sheegayo WhatsApp-ka.

“Waan ka warqabnaa in dadka qaar  dhibaato ku qabaan dirista ama helista farriimaha waxaana ka shaqaynaynaa sidii WhatsApp  aan ugu   soo celin lahayn qof walba sida ugu dhaqsaha badan u adeegasado ,” sidaas waxaa yiri afhayeen u hadlay Meta oo la hadlay CNBC.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo isticmaala aaladan ayaa Facebook ku baahiyey cabasho ku aadan in farriimaha WhatsApp-ka aan la isugu diri karin, kadib ciladda maanta ku timid.

Barta bulshada kuwada xiriirto ee WhatsApp, waxaa isticmaalaa ku dhawaad 2 bilyan oo qof oo kala jooga daafaha dunnida, waxaana ciladan saameyn xooggan ku yeelatay dad badan oo farriimo iyo warbixino isku dhaafsan jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.