Hoobiyaal lagu  garaacay saldhig ciidanka Jubbaland ee Kismaayo

Hoobiyaal lagu  garaacay saldhig ciidanka Jubbaland ee Kismaayo

Kismaayo (Raxanreeb ) Dad ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka  Jubbada Hoose ayaa Raxanreeb u sheegay in  kooxda Al- Shabaab hoobiyaal ay ku garaaceen deegaanka Baarsanguuni ee duleedka Kismaayo.

Hoobiyaashan ayaa ku dhacay sida dadka deegaanka ay sheegeen saldhigyo ciidanka maamulka Jubbaland ay ku lahaayeen deegaanka Baarsungnuni  halkaas oo laga soo wariyay khasaare  dhimasho iyo dhaawac

Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in  ciidano ku waxyeeloobay weerarkaas hoobiyaasha ah la  geeyay isbitaal ku yaala magaalada Kismaayo.

Lama sheegin tirada rasmiga ah ee ciidanka dhaawac ah oo la geeyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose , saraakiisha ciidankan ma aysan ka hadlin dhaawacyadan.

Kooxda Al- Shabaab ayaa sidan oo kale marar badan waxa ay weeraro ay ka  gaysteen meelo ka mid ah duleedka magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.