Beledwayne (Raxanreeb ) Kooxo hubeysan ayaa galinkii dambe ee maanta magaalada Baladweyne waxaa ay ku toogteen Taliye ku-xigeenkii Hore ee Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne
Taliyahan ayaa lagu magacaabi jiray Taliye Nuur Xasan Bidaar waxaana la sheegay in caawa halkaas ay ka socdaan howlgal xooggan oo dad badan lagu soo qab qabtay.
Dilka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay xaafadda Buundoweyn ee Baladweyne, kooxihii dilka fuliyay ayaa isga baxsatay, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Dowladda ee halkaas ku sugan.
Dad ku sugan magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa RBC u sheegay in dadka ay soo qabteen ay ku hayaan baaritaan cidii lagu helo dembiga cadaalad ay wajihi doonaan.
Dilka ka dhacay magaalada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyaadoo muddooyinkii dambe howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ciidanka ay ka wadeen xaafadaha kale duan ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Leave a Reply