UK : Kate Foster oo lagu bedelay  Mr. Michael Nithavrianakis

UK : Kate Foster oo lagu bedelay  Mr. Michael Nithavrianakis

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Ingiriiska ayaa soo magacowday danjire cusub oo u qaabilsan Soomaaliya, kaas oo beddelaya safiirkii hore Ms. Kate Foster

Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah u magacowday Mr. Michael Nithavrianakis in uu noqdo safiirka cusub ee u qaabilsan Soomaaliya.

Safiirka cusub Michael Stephen Nithavrianakis waxa  uu xafiiska la wareegayaa bisha soo socota ee May.

Shaqadiisii u dnabeysay waxa ay eheyd xafiiska shaqaalaha ee qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maalgashiga ee maagaalada Milan dalka Talyaaniga.

Michael Stephen Nithavrianakis howsha diblomaasiyada waxa uu kusoo jiray tan iyo sanadii 1984.

Waxa uu shaqooyin kala duwan ka soo qabtay dalal ay kamid yihiin Afghanistan, India, Sucuudi Carabiya iyo dalalka kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.