GAZA (Raxanreeb )- Wariyaha Al-jazeera uga soo warrama Qudus, ayaa warbixin toos ah oo u bixinayay wuxuu ku soo daray in weerarka ay caawa qaaday Iran in habka lagu billaabay uu u muuqdo weerarradii uu Ruushka ka fulin jiray.
Ukraine, isagoo adeegsanaya isla diyaaradaha ay caawa Iran ku weerartay Israa’iil, wuxuu intaa ku daray inuu Ruushka boqollaal diyaaradood u diri jiray hawada Ukraine, marka ay nidaamka difaaci Ukraine ku mashuulaan qabashada diyaaradahana wuxuu Ruushka la beegsan jiray goobaha bartilmaameedka u ah tiro gantaallo ah , kuwaaso ka gudbi jiray nidaamka difaaca Ukraine.
Dhanka Kale
Waddamada Bariga dhexe ayaa badankood xiray hawadooda, dhamaan duulimaadyadda ayaa la Hakiyey.
Sidoo kale Ingiriiska ayaa ku biiray howlgalka ay xulafada Israa’iil uga hor tegeyaan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ku ekaysay Telaabiib.
Leave a Reply