Iran oo warqad u dirtay Q.M maxay ka hadashay ?

Iran oo warqad u dirtay Q.M maxay ka hadashay ?

Iran (Raxanreeb )- Dowlada iran ayaa dhambal ay qaramada Midoobay u dirtay ku cadeeysay mowqifkeeda weerarki Israil ku qaaday qunsiliyadooda Siria.

Waxay dhaheen waxaan Xaq u leenahay in aan difaacno dowladnimadeena iyo in aan ilaalino danaheena caalamka anaga oo aan marnaba aqbali karin daan daansiga nooga imaanaya israil.

Waxay iska fogeeyeen in ay rabaan in ay xiisad ka abuuran bariga dhexe oo bilihii la soo dhaafay dagaalo ka socdeen.

Waxay ku celiyeen in ay si muuqata oo aan qarsoonayn u difaacayaan Dakooda, Dadkooda iyo Qiyamkooda aysana jirin cid ay uga cabsanayaan.

Iran ayaa hore u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, ka dib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.