Imaam Masjid oo dil fool xun loogu gaystay duleedka Muqdisho

Imaam Masjid oo dil fool xun loogu gaystay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Goobjoogayaal ku sugan duleedka magaalada  Muqdisho ayaa sheegay in halkaas lagu dilay qof  imaan ahaa .

Waxaa la sheegay in dilkaas oo ahaa mid aad u daran u gaystay qof dhallinyara ah oo  mu’adin ahaa   kaas oo ka dhacay deegaanka Waydow oo  ah duleedka  caasimadda

Baakad ayaa la sheegay in loo adeegsaday dilka imaankan oo ahaa mid aad loogu yaqiinay deegaanka Waydow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Goobta ay wax ka dhaceen , waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda  halkaas oo ay ka sameeyeen howlgal lagu baadi- goobayo qofkii dilka gaystay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka danbeysa dilka Mu’adinka oo caawa maydiisa loo soo qaaday xarunta CID –da ee magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa waxa uu fajac ku noqday dadka deegaankaas oo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mu’wadin loo gaysto dil sidan oo kale ah oo aad u fool xun.

Dhibaatooyinkan oo kale ayaa  ku soo noq noqday , duleedka magaalada Muqdisho , halkaas oo ah meel ay aad u degan yihiin qoysas barakacyaal ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.