Muqdisho (Raxanreeb ) Agaasinka waxbarashada goolka Banaadir ayaa si rasmiya ugu dhawaaqey natiijada Imtixaanka fasalka sideedaad ee gobolka banaadir sanad dugsiyeedka 2022&23.
Munaasabadii shaacinta waxaa ka qaybgalay Guddomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale.
Agaasimaha guud ee waxbarashada Gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Bare oo natiijadaan shaaciyay ayaa sheegay in ay gudubtay 30,837 Arday halka ay dhacday 535 Arday kuwaas oo dhawaan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hambalyeeyay ardaydii gudubtay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir
Leave a Reply