Garoowe (Raxanreeb ) Wararka aan ka helayno deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka maamulkaas ay shaaciyeen in ay meesha ay ka baxday xabad joojintii halka dhinac ahayd
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ayaa sheegay in ay muuqanayso in hoggaanka xilka haya ee Saciid Cabdullaahi Deni sabab uu u yahay in meesha ka baxdo xabad joojinta.
Waxa ay ku warameen in lagu guulaysan waayay dadaal kasta oo ismida ay ku doonayeen in ay wax kaga qabtaan cabashooyinka taagan ee salka u ah arrimaha doorashooyinka.
Qoraal kasoo baxay taliska Danab ayaa lagu sheegay inay isimada Puntland ku fashilmeen inay go’aamo kasoo saaraan xaaladda nabad galyada iyo jiritaanka Puntland.
Danab waxay sheegeen inay ka jawaabayaan tallaabo kaste oo uu qaado madaxweynaha Puntlad, oo ay ku eedeeyeen inuu isku diyaarinayo inuu muddo kororsi sameysto.
Danab waxay kaloo uga digeen ururada siyaasada Puntland inay aqbalaan tallaabo kaste oo lagu wiiqayo inay Puntland doorasho ka dhacdo sideeda bisha January ee sanadka 2024.
Leave a Reply