Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wali ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo ay ka socdaan kulamo xiriir ah oo u dhaxeeya Madaxwayhaha DFS iyo Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Kulan Albaabada ay u xiran yihiin ayaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saiid Cabdullaahi Deni ay yeesheen , kaas oo la sheegay in lagu turxaanbixinayay tabashada maamulka Puntland.
“Madaxweynuhu waa kii shalay yimid Puntland. Soo dhawayntii kaddib madaxweyneyaashu waxay yeesheen kulan oo ay labadooda keli ku ahaayeen.
Waxaan qiyaasayaa inay ka wada hadleen si wax la isula dhaadhaado inta aanu kulanka ballaaranin,” sidaas waxaa sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.
Wasiirka si rasmi ah ma uusan u shaacin in xal laga gaaray Khilaafka labada dhinac u dhaxeeya in kastoo wali kulmada ay ka socdaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Madaxwaynaha ayaa doonaya in Puntland uu ka soo laabto , isagoo xal rasmi ah ka soo gaara mad- madowga u dhaxeeya labada dhinac .
Is faham miyaa laga gaaray Khilaafka Dowladda Dhexe & Puntland ?a Soomaaliya, isaga oo loo arkayay in uu aad ug dhawaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu dowladdiisii hore kasoo noqday Wasiirka Qorsheynta.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale lagu waddaa in uu maanta la kulmo Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
Leave a Reply