Digniin ku Saabsan musiibooyinka abaaraha wadamada Geeska Afrika

Digniin ku Saabsan musiibooyinka abaaraha   wadamada Geeska Afrika

Muqdisho(Raxanreeb ) Muddo ku dhaw afartan sanno ka dib ayaa la saadilinayaa abaarta ka jirta wadamada Geeska Afrika in ay tahay tii ugu xumayd ee soo marta , isla markaana galaafata nolosha dad iyo duunyada.

Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) ayaa sheegtay in saadaasha bilaha Oktoobar iyo Disembar ay muujinayso suurtagalnimada xaalado qallalan oo ka sarreeysa kuwii hore , taas oo keentay walwalka kale ee la qabo.

Guuleed Cartan oo ah Agaasimaha Xarunta Saadaasha Cimilada ee Ururka ICPAC ayaa sheegay in Soomaaliya, Itoobiya & Kenya ay qarka u saaran yihiin Musiibo abaarta darteed, waxa uu ka digay halista ka dhalan karta.

Waxa uu sheegay Sarkaalkan in hadda loo baahan yahay in la dejiyo qorshe kasta oo lagaga hortagi karo xaaladaha ku soo fooda leh wadamada Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirta.

” Ma ah wax la dhayilsan karo xaaladaha soo fooda leh ” ayuu sheegay Guuleed Cartan oo ah Agaasimaha Xarunta Saadaasha Cimilada ee Ururka ICPA.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay raadineyso Gargaar bani aadamnimo oo degdeg ah si ay u gaarsiiso ku dhawaad 20 Milyan oo ruux oo Abaarta & Colaadda sokeeye ku saameysay Waddamada Xad-wadaagga ah ee Soomaaliya, Itoobiya & Kenya.

Intii u dhaxaysay 2010 iyo 2012, ilaa 250,000 oo qof ayaa gaajo ugu dhintay Soomaaliya, kuwaas oo kala bar ka mid ahi ay ahaayeen carruur.

Leave a Reply

Your email address will not be published.