Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee Puntland maanta oo Isniin ah waxaa si toos ah uga bilowday doorashada Madaxtunimada iyo ku xigeenka ka dib muran dheer oo in mudda ka taagnaa.
Amaanka magaalada Garoowe ee Puntland ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay waxaana waddooyin badan oo maamulkaas ah la dhigay ciidamo fara badan oo xaqiijinaya amniga.
Xilka madaxweynaha waxaa ku loolami doono illaa 11 musharrax oo uu ku jiro madaxweyne Saciid Deni oo loolan adag kala kulmaya xubnaha mucaaradka.
Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isaga haray tartanka doorashada, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray, isagoona u tanaasulay musharaxiinta isbeddelka doonka ah.
Musharrixiin kooban oo u tartamaya Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo xalay lacago badan qaybiyay ayaa loo badinaya in ay Safka hore ka galaan Doorashada.
Lacagha murashixintu siiyeen xildhibaanada ayaa lagu qiyaasay inay u dhaxeeyaan $70,000 illaa $200,000, waana lacagtii ugu badnayd ee lagu bixiyo doorashada Puntland.
Leave a Reply