Beledwayne ( Raxanreeb ) Dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa ka socda deegaanka Beer-xaanno oo dhaca Koonfurta Beledweyne.
Dagaalka ayaa billoowday kaddib markii ciidanka dowladda weerar ay ku qaadeen goob kooxda Al- Shabaab isku aruursanayeen taasi oo keentay in uu dagaalka qarxo.
Saraakiisha ciidanka ayaa warbaahinta u xaqiijyay in in khasaare xooggan Al- Shabaab la gaarsiiyay aayna ka saareen deegaano aay kamid yihiin Beerxaano.
Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda ayaa sheegtay in dagaalkan sidoo kale lagu beegsaday saraakiil ka tirsan kooxda Al- Shabaab , isla markaana ay sii socon doonaan dagaalada lagu qaadayo goobaha ay ku sugan yihiin Al- Shabaab
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deegaano badan oo gobolada dalka ah waxa ay ka wadaan howlgal ay ku doonayso in ay ku xaqiijiso amniga dalka.
Leave a Reply