Muqdisho ( Raxanreeb ) Shirka afar geesoodka ee Madaxda Soomaaliya iyo dalalka safka hore ayaa maanta oo Arbaca ah ka furmay Muqdisho.
Shirkan aan caadiga aheyn ee uu martigeliyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Jabuuti, Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray ammaanka Gobolka, dagaalka kooxda Al – Shabaab iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa dagaalka Argagixisada.
waxaay si wadajir ah ay Madaxda u boggaadiyeen guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ka soo hoyeen howlgaladii lagu xorreeyay deegaano badan oo ka tirsan Gobolada dalka oo Argagixisada ka soo abaabuli jireen amni darada iyo falalka argagixisada ka geysatay dalalka deriska ah.
Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana maanta la xiray dhaq-dhaqaaqa waddooyinka caasimada iyo sidoo kale garoonka, si looga hortago falalka amni darrada ah ee dhici kara inta uu socdo shirweynaha maanta ka furmaya gudaha magaalada Muqdisho.
Leave a Reply