Islambad (Raxanreeb ) –Pakistan ayaa dalkeeda ka saaraysa qaxooti badan oo inta badan ka soo jeeda dalka Afganistan sida ay baahiyeen warbaahinta dalkaas .
Wajiga labaad ee daabulida qaxoootiga ayaa lagu wadaa in ay bilowdo Pakistan qorshahaas ayaa muran badan dhaliyay
Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa qorshaynaya inay dalka ka saaraan in ka badan 800,000 oo Afgaanistaan ah, ka dib markii ku dhawaad 541,000 lagu qasbay inay dalkooda ku noqdaan wajigii hore oo ku beegnaa bishii November ee sannadkii tagey.
Qaxootiga reer Afgaanistaan wajahaya xarig iyo masaafurin, haddii aysan u hoggaansamin qorshahan ay waddo Xukuumadda Islaamabaad ee ayaga ka dhanka ah.
Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in ay jiraan ku dhawaad 4.4 milyan oo qaxoonti Afgaanistaan ah, kuwaas oo lagu qiyaasay 1.73 milyan oo ka mid ah in aysan sharci haysan, amarka masaafurinta ayaana yimid xilli ay aad u kordheen weerarrada hubeysan ee ka dhacaya guud ahaan dalka Pakistan.
Leave a Reply