Itoobiya & Kenya oo isku diyaarinaya in ciidankooda ka baxaan GEDO.

Itoobiya & Kenya oo isku diyaarinaya in ciidankooda ka baxaan GEDO.

Doolow (Raxanreeb )- Qorshaha ka bixitaanka ciidanka ATMIS ayaa wali ka socdo meelo badan oo dalka waxaana la filayaa in goobahaas ay la wareegaan ciidanka Dowldda Soomaaliya.

Meelaha la saadaalinayo in ciidanka ay ka baxaan waxaa ka mid ah gobolka Gedo halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka Kenya iyo kuwa Itoobiya oo qayb ka ah ATMIS.

Maalmo ka hor degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaa tagay , saraakiil ka socotay Jubbaland kuwaas oo qiimaynayay ka bixitaanka Ciidanka Kenya ee degmadaas ka dib amniga.

Degmada Doolow ayaa ka mid ah meelaha ay ku sugan yihiin ciidanka ATMIS ee Itoobiya halkaas oo lagu wado in ay baneeyeen ciidanka Itoobiya.

Walaac badan ayaa laga qabaa amniga gobolka ka dib ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee dalalka Itoobiya iyo Kenya oo deris la ah Soomaaliya.

Itoobiya waxa khilaaf uu kala dhaxeeyaa Soomaaliya ka dib markii Ra’iisulwasaraha Itoobiya heshiis is faham oo dhanka bada ah uu la galay Muuse Biixi Cabdi.

Ciidamo fara badan oo ATMIS ayaa hore uga baxay , deegaano badan oo dalka ah .

Leave a Reply

Your email address will not be published.