Garoowe (Raxanreeb )- Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhisay xubnaha Golaha wasiirada kuwaas oo bedeli doona xubnihii hore.
Wasiiradan waxaay ka kooban yihiin , 21 waxaana ku jiray xubno mucaarad ku ahaa madaxwaynaha dib loo doortay Saciid Cabdullaahi Deni oo shanta sanno maamuli doona.
Golaha wasiirada waxaa keliya ka soo muuqday seddax wasiir oo dumar ah , taas oo ay ka dhalatay hadal hayn ah in qoondada haweenka ee Puntland dhaliil ay ka jirto.
Haweenka maamulka Puntland ayaa in mudda ah waxay ka cabanayeen in saami badan aysan ku lahayn maamul goboleedka Puntland.
Arrintan ayaa waxaa walaac ka muujiyay ururada u dhaq-dhaqaaqa haweenka, kuwaasi oo sheegay in dumarka marwalba aysan matalaad buuxda ka helin dowladda.
Maamulka Puntland aya kamid ah kuwa ugu liita deegaanad Soomaalida, marka laga hadlayo matalaada dumarka ee dhanka siyaasadda.
Leave a Reply