Itoobiya oo soo riday diyaarada hub u siday TPLF & dagaal wali ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya

Itoobiya oo soo riday diyaarada hub u siday TPLF & dagaal wali ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya

Adis Ababa (Raxanreeb ) Saraakiil ka ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay soo ridaan diyaarad ka timid Sudan , hubna u siday kooxda TPLF .


Diyaaradan ayaa Dowladda Itoobiya waxa ay sheegtay in si baalmarsa sharciga ay ugu soo xad- gudubtay qaranimada Dowladda Federaalka Itoobiya .

Madaxa waaxda howlgallada ee wasaaradda gaashaan dhigga Itoobiya Sarreeya Guud Tefaaye Ayalew ayaa ku waramay in diyaaradan Suudaan hawada Itoobiyana ay ka soo gashay aagga Humera.

” Ma ah wax la aqbali karo in dalka Sudan gudaha Itoobiya ay soo galiso hub si Dowladda loogu caraqaladeeyo ” ayuu yiri sarkaalkan oo u waramay wakaalada wararka ENA.
Dhanka kale.

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Ismaamulka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya iyo Ciidamo daacad u ah dowladda dhexe ayaa ka dhacay agagaarka magaalada Kobo, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Tigreega.

Dagaalkan ayaa soo afjaraya xabbad-joojintii la wada sugayey tan iyo bishii March

Leave a Reply

Your email address will not be published.