Faa’idada Soomaaliya ugu jirta ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika

Faa’idada Soomaaliya ugu jirta ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika

Muqdisho (Raxanreeb) Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaantay aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika ee (EAC).

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 4-faaiido ay ka heleyso Soomaaliya in ay xubin ka ahaato Dalladda Bulshada Bariga Afrika iyada oo aanay ka marneyn dhinacyada Dhaqaalaha, Amniga & Siyaasadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka mid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.

Waxa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in Soomaaliya ay ka faa’ido doonto daladan afar qodob oo kala ah :

1- Fursad Ganacsi & Suuq weyn oo ay ka faaiideysan karto.

2-Badeecadda ay u iib-geeyaan Dalalkaan oo aan Canshuur kale laga rabin.

3-Isu socodka Bulshada Ku mideysan EAC iyada oo aan u baahan Dal ku gal iyo helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika.

4-Xuquuq Ganacsi & Mid Bulsho oo heer Gobol ah.

Dowladihii dalka soo maray ayaa dadaal adag ku bixinayay sidii Soomaaliya uga mid noqon laheyd Dallada Bulshada Bariga Afrika, taas oo ugu dambeyn lagu guulestay.

Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.