WARBIXN | Isbahaysi cusub oo ka dhanka ah Dowladda & rejo la’a.an muuqanaysa

WARBIXN | Isbahaysi cusub oo ka dhanka ah Dowladda & rejo la’a.an muuqanaysa

Muqdisho (Raxanreeb ) Shaki badan ayaa ka dhashay tiro xildhibaana ah oo ka soo muuqday bara bulshada kuwaas oo la sheegay in ay yihiin isbahaysi doonaya in ay abuuraan kudlad.

Xildhibaanadan ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay qaataan door- ah sidii loo sixi lahaa Dowladda , uu hoggaamiyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo tabasho ay ka qabaan  qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Talaabada xildhibaanadan ayaa loo arkaa mid wax badan ka bedeli doonto wajiga siyaasada dalka oo xilligan la sheego in ay tahay mid dhinac u rararan  , loona baahan yahay dheelatirnaan.

Caasimadda dalka ee Muqdisho  waxa ka soconaya sidii ay u abuurmi lahaayeen , kudlooyin xildhibaana ah iyo xubno kale oo mucaarad ah , kuwaas oo doonaya isbedel siyaasadeed.

Xildhibaannadan waxaa aad uga dhax muuqda , xildhibaan Daahir Aamin Jeesow  iyo xubo kale kuwaas oo aan ku qanacsanayn  sida  hadda uu xaalku yahay loona baahan- yahay in wax la iska waydiiyo.

Dowladda hadda  jirta ee Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa la sheegaa in ay lumaysay  kalsooni badan , filashaduna ay ka yar tahay sidii  wax loo sawirinayay , isla markaana uu jiro humaag.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay kulamo ku yeeshay qaar ka mid ah  beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo aad u dhaliilay habka qaybsiga saamiga siyaasadeed ee Daljir  iyo damjadiid.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Madaxtooyada Qaranka  ka wado , kulamo uu la yeelanayo beelaha qaar kuwaas oo uu kala hadlayo tabashooyinka ay qabaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.