Joe Biden oo soo saaraya amarro culus oo dhanka socdaalka ah.

Joe Biden oo soo saaraya amarro culus oo dhanka socdaalka ah.

NewsYork (Raxanreeb )- Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Salaasadii saxeexay amar fulineed oo lagu xakamaynayo tirada muhaajiriinta magangelyo doonka ah ee ka soo gudbaya xuduudda u dhexeysa Maraykanka iyo Mexico.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkan Maraykanka ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu aaminsan yahay in la sugo ammaanka xuduudda, taasina ay tahay sababta uu u soo saaray amarkan fulineed.

Amarkan fulineed ayaa ka hor-istaagaya muhaajiriinta sida sharci-darrada ah uga soo gudba xuduudda koonfureed inay dalban karaan magangelyo.

Hase ahaatee waxaa maamulka Biden ay sheegeen in tallaabadani aanay ahayn mid si joogto ah u shaqaynaysa, balse ay ku xidhan tahay duruufta ka jirta xuduudda koonfureed, gaar ahaan, xilliyada ay buuxdhaafto oo ay dad badani ku soo jabaan.

Biden yaa Salaasadii sheegay in tallaabadani ay keenayso inay maamulaan xuduudaha Maraykanka. Wuxuu sheegay in amarkani uu soconayo illaa tirada sida sharci-darrada ah uga soo gudbaysa xuduudaha Maraykanku ay gaadhayaan heer aad u hooseeya oo si hufan loo maamuli karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.