Madaxwaynaha Galmudug Qoorqoor oo wasiirro cusub magacaabay.

Madaxwaynaha Galmudug Qoorqoor oo wasiirro cusub magacaabay.

Cadaado (Raxanreeb )- Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magacaabay wasiirro cusub oo ka mid noqonaya maamulkiisa.

Madaxwayne Qoor Qoor ayaa soo magacaabay lix wasiir oo cusub, kuwaas oo kala ah 3 wasiir, 2 wasiiru-dowle iyo 1 wasiir ku xigeen Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah:

Sida lagu shaaciyey wareegto ka soo baxday madaxtooyada Galmudug oo nuquul ka mid ah ay Raxanreeb  heshay, Qoorqoor ayaa magacaabay 4 wasiir, 2 wasiiru-dowle iyo 1 wasiir ku xigeen.

Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah:

1.Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac, Wasiirka Caafimaaadka iyo Daryeelka Bulshada

2.Cabdinuur Maxamud Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

3.Cabdiwahaab Sh. Abuukar Nuur, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

4.Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, Wasiiru-dowlaha Maaliyadda

5.Cabdulqaadir Sh. Xasan Ismaaciil, Wasiiru-dowlaha Waxbarashada

6.Cabdulqadir Axmerd Maxamud, Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.