Jubbaland ‘’Al- Shabaab ayaa kala wareegnay deegaano ka tirsanJubbaland ‘’

Kismaayo   (Raxanreeb ) Ciidanka Jubaland ayaa maalmahan waxa ay howlgallo ka wadeen deegaannada galbeedka Kismaayo iyagoo la wareegay deegaanno ay horey uga talin jireen maleeshiyada Al-Shabaab.

Xubno ka mid ah maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka maamulka sidoo kale xooga saareen in sidii ay kula wareegi lahayeen deegaanada kooxda Al- Shabaab ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Ciidanka maamulka ay sidoo kale waxa lagu soo waramayaa in ay isku fidiyeen deegaano ku dhaw dhaw magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose , halkaas oo ay howlgalo ka wadaan.

‘’ Ciidanka xooga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa kooxda Al- Shabaab waxa ay kala wareegeen deegaano mudoo dheer ay maamulayeen ‘’ sidaas waxaa warbaahinta Jubbaland u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmo ka hor waxa ay magaalada Kismaayo ay ku soo bandhigeen ciidan ay sheegeen in ay qaadi doonaan howlgal ka dhan ah kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.