Rwanda ayaa soo riday diyaarad dagaal oo ay leedahay  Congo DR

Kigali (Raxanreeb ) Dawladda Rwanda ayaa soo riday diyaarad dagaal oo laga lee yahay dalka Congo DR taas oo ay sheegtay in ay ku soo xad gudubtay hawadeedaa.

Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa Sukhoi-25 isla markaana lagu farsameeyey Midowgii Soofiyeeti ayaa lala eegtay gantaal xilli ay maraysay xuduudka kala qaybiya labada dhinac.

Xukuumadda Kigali ayaa ku doodaysa in ay diyaaraddani soo gashay hawadeed isla markaana ay ku kacday falal arbushaada, halka ay Congona ku doodayso in aanay diyaaradoodu shaqo ku lahayn hawada dalka toogtay.

Xiisadda labada dhinac ayaa waayahan ahayd mid cakiran iyada oo Congo ay hore Uganda ugu eedaysay in ay gacan siiso jabhadda dalkaas ka dagaallanta ee M23.

Leave a Reply

Your email address will not be published.