Jubbaland ‘’ AS waxaan ka saarnay deegaano ka mid ah Jubbada hoose ‘’.

Jubbaland ‘’ AS waxaan ka saarnay deegaano ka mid ah Jubbada hoose ‘’.

Kismaayo (Raxanreeb )- Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in kooxda Al- Shabaab ay kala wareegeen deegaano  hor leh oo ka mid ah   Jubbaland ka dib  howlgal  halkaas ka dhacay.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka maamulka Jubbaland  kooxda Al- Shabaab ayaa laga riixay deegaanka Tuulada Filfile oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe si weyn u kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta deegaanada maamulkaas.

Hay’adaha amniga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ay ku doonayaan in ay kaga adkadaan kooxda Al- Shabaab.

Tan iyo markii bishii lasoo dhaafay ciidanka Jubbaland  ayaa Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Buulo Xaaji isla markaana saraakiisha waxa ay sheegeen iney isa soo dhiibeen labaatameeyo ka tirsan kooxda.

Si kasta wali deegaano badan oo Jubbaland ah waxaa ku xoogan kooxda Al- Shabaab inkastoo ay socdaan howlgalo ay wadaan ciidanka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.