ATMIS oo daawanaysa Kacdoonka Shacab ee socda & Falcelinta ka dhalatay.

ATMIS oo daawanaysa Kacdoonka Shacab ee socda  & Falcelinta ka dhalatay.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Gobolada Dhexe ee dalka waxa ka socda Kacdoon dadka shacab ah ay isaga dulqaadayaan Al- Shabaab oo la sheego in muddo dheer dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa hor kacaya Kacdoonkan dad shacab ah oo u abaabulan qaab qabaa’il ah waxaana gugacan ka soo bilowday deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan iyo Gobolada Dhexe ee dalka.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in Ciidanka ATMIS wax kaalin ah aysan ku lahayn dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab ee ka socda Hiiraan iyo galgaduud halkaas oo gacantooda ay ka baxday Al- Shabaab.

Ka sakow dadka shacab ah ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaystay in deegaanada qaar ay ka saaran Al- Shabaab oo sanado badan gacanta ay ugu jitay kooxda.

Baraha bulshada ayaa si aad ah waxaa la iskula wadaagayay saacadihii la soo dhaafay ciidanka dowladda iyo dadka shacab ah oo saaran gawaarida dagaalka ee aan qafalnayn iyo kuwa ATMIS ee qafalan.

Hadaladan ayaa waxaa si aad ah u soo jiitay dadka shacab ah kuwaas oo qaarkood is waydaarsanayay in xilligan ATMIS aysan muhiim u ahayn amniga dalka ee la joogo waqtigii dalka ay isaga bixi lahayeen.

HADABA : Ma jirto wax kaalin ah oo muuqata oo ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab ee ay horkacayaan dadka shacab ah iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Golaha Ammaanka QM ayaa dhowaan ansixiyey in howlgalkii AMISOM lagu beddelo howlgal cusub oo loogu magac daray ATMIS, oo ay ku heshiiyeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Howlkgalka ATMIS ayaa si rasmi ah howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ula wareegay 1-dii April kadib markii howlgalka AMISOM waqtigiisu idlaaday 31-ka Maarso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.