Muqdisho (Raxanreeb ) Wararka ka imaanaya degmada Hilwaa ayaa sheegaya in weerar lagu soo qaaday isgooska ex Contarool Balcad.
Wararka ayaa sheegaya in qof shacab ah uu ku dhintay Waxaaba jira dhaawac sida ay sheegayaan goobjoogayaal halkaas ku sugan.
Weerarkan ayaa lagu soo waramayaa in lagu qaaday bar ay ku sugnayeen ciidanka dowlada ee degmada Huriwaa.
Lama soo – tabin khasaare soo gaaray ciidanka la weeraray , laakiin dadka waxyeeladu ay gaartay ayaa ah shacab.
Maamulka Degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ma jiro wax faahfaahin ah oo uu ka soo saaray weerarkan.
Masuuliyada weerarkan caawa ma jirto cid sheegatay , xaaladuna waxaa lagu soo waramayaa in ay degan- tahay.
Dhawr mar ayaa weeraro sidan oo kale ah Al- Shabaab waxa ay ku qaadeen fariisimo ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin degmada Huriwaa
Leave a Reply