Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka  Soomaaliya  oo maanta si rasmi ah u furmaya.

Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka  Soomaaliya  oo maanta si rasmi ah u furmaya.

Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta oo Sabti ahi waxaa xarunta golaha shacabka ka furmaya kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa horay Xildhibaannada & Senatarrada Ku wargeliyay in ay soo xaadiraan maanta kulanka daah-furka kana soo laabtaan fasixii ay ku maqnaayeen in ay u guda-galaan howlaha waajibka ku ah ee horyaalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhigga, isagoo ka jeedi doona khudbad la wada sugayo.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in kulanka maanta uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, wuxuu mar kale si adag uga hadli doonaa damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo arrimo kale oo masiiri ah, sida dastuurka.

Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, soo laabashadooda kadib oo ay ku jiraan sharciyo iyo arrimaha Dastuurka oo doodiisu socotay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.