Muqdisho (Raxanreeb Online) Faah faahino dheerad ah ayaa laga helaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay degmada Deynille ee gobolka Banaadir.
Inta la xaqiijiyay ilaa afar ruux oo shacabka ah ayaa ku dhintay halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, kaddib dagaalkii xalay ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, kaasi oo u dhaxayay dowladda Federaalka iyo dadka deegaanka.
Sidoo kale dagaalka Deyniile waxaa ku dhintay ilaa saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen dhowr kale, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo deegaanka ah.
Shacabka ku dhaqan xaafadda Warlaliska ayaa intooda badan isaga barakacay guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeello ka soo gaarta dagaalka halkaas ka socda ee u dhexeeya dowladda iyo dadka deegaanka.
Xiisaddan oo ah mid soo noqnoqotay waxay salka ku haysaa howlaha burburinta dhulka danta guud ee ay wado dowladda Federaalka, taas oo abuurtay buuq iyo xiisad muddo ka taagan gobolka Banaadir, isla markaana saameyn togan ku yaalatay caasimada.

Leave a Reply