Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay suuqa Degmada Caabduwaaq

Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay suuqa Degmada Caabduwaaq

Caabudwaaq (Raxanreeb ) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dab xoogan oo khasaare – gaystay kaas oo ka kacay suuq wayn oo ku yaala degmada caabudwaaq ee gobolka galgaduud.

Dabka ayaa ka dhashay sida ay sheegayaan wararka nasoo gaarayo Kaalin Shidaal xilli lagu shubayay, taasoo sababtay inuu dabku si xowli ah ugu faafo goobo ganacsi oo la daris ahaa halka uu ka bilowday.

Dabka ayaa marka laga soo tago inuu sababay khasaare Hantiyadeed oo baaxad leh, waxaa sidoo kale jiro dad ku dhaawacmay, kuwaas oo waxyeelo soo gaartay xilli ay ku jireen gurmadka lagu daminayay Dabka.

Khasaaraha uu dhaliyay dabka ayaa waxaa sii kordhiyay in magaalada aysan laheyn gawaarida Gadiidka loogu talo galay dabdamiska, waxaana bulshadu isku dayayeen in iskooda ay ku joojiyaan faafitaankiisa.

Dadka ku waxyeeloobay dabka ayaa  maamulka degmada waxa uu sheegay in loo soo qaadi doono isbitaalo ku taala magaalada Muqdisho si loo daweeyo.

Magaalooyinka inta badan marka uu dabka ka kaco waxaa ka qeyb qaata gaadiidka dabdamiska, waxaana inta badan gobollada dalka aan ka jirin gaadiidka gurmadka deg dega ah mid dowlo ama shakhsiyadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.