Muxuu yahay qorshaha safarka madaxwayne Xasan Sheekh ee Galmudug?

Muxuu yahay qorshaha safarka madaxwayne Xasan Sheekh ee Galmudug?

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la qorshaynayaa in safar uu ku tago deegaanada  maamulka Galmudug.

Hadalkan waxaa sheegay Madaxwayne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Ciid oo intaas warkiisa ku daray in Galmudug lagu qaban doono shirka  wada-tashiga Qaran.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa sheegay in bil kadib uu shirkaas oo ah kii 6-aad ee golaha wadatashiga qaranka uu Dhuusamareeb ka dhici doona

“Ma  jiraan ayuu yiri Cali Ciid wax iska bedeli doono shirka madasha wada-tashiga Qaran ‘’ ee Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Cali Ciid ayaa  ka meermaray  jirintaanka war ah in Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya safar dhulka ah uu ku tagi doono deegaanada maamulka Galmudug.

Hadii kooxda Al-Shabaab laga saaro deegaano faro ku tiris ah oo hadda ay gobollada dhexe ka joogaan, waa suurtagal in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar dhulka ah ku tago Galmudug.

Si kastaba Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddoomin doona shirka  6aad ee madasha wada- tashiga Qaran ee ka dhici doona deegaanada maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.