Garoowe ( Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad ciidanka maamulka Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhaxmaray deegaano ka mid ah Cayn.
Saraakiil u kala hadashay labada dhinac ayaa midba mid kale guul ka sheegtay dagaalkan oo la sheegay in saacado badan socday .
Ilo madax banaan ayaa sheegaya in labada dhinac uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isla markaana ay jiraan dhaawacyo kala gaarsiiayay Garoowe iyo Hargaysa .
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan , isla markaana cabsi badan ay ka jirto deegaanka dagaalka uu ka dhacay ee ay isu hayaan labada dhinac ee Somaliland iyo Somaliland.
Leave a Reply