XOG cusub oo ku soo kordhaysa weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday ciidanka Kenya.

Kismaayo ( Raxanreeb ) warar dheeraad ah ayaa ka soo – baxaya weerar qof naftii halagi ah uu ku qaaday saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Jubbooyinka halkaas oo ciidankan ay ka howlgalaan.

Weerarkan ayaa ka dhacay saldhigga ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Sariira oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose una dhow xuduudka dalka Kenya.

ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Kenya ATMIS ayaa ku geeriyootay weerarka halka shan – kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen milateriga Kenya.

Masuuliyada weerarkan waxaa sheegtay Kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya , iyo ciidanka ATMIS ee midowga Afrika.

Ciidanka Kenya ayaa qeyb ka ah in ka badan 20,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka ATMIS ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dowladda federaalka ah ka caawiya la dagaalanka kooxda Al-Shabaab .

Leave a Reply

Your email address will not be published.