XAQIIJIN : Ma hargaysa laga furay goob lagu Ooyo ? Run ama Been !

XAQIIJIN : Ma hargaysa laga furay goob lagu Ooyo ? Run ama Been !

Hargaysa ( Raxanreeb ) Baraha bulshada Soomaalida saacadihii la soo dhaafay waxaa aad loogu hadal hayay in laga furay xarun lagu ooyo.

RBC oo baaris ku sameeyay arintan aadka loo – hadal hayo ayaa ogaatay in warkaas uu yahay mid aan jirin oo uu qayb ka yahay wararka been – abuurka ee faafintiisu ay aad u badan tahay.

Sawirada dadka ay u adeegsanayeen in nagaalada Hargaysa laga furay meel lagu ooyo ayaa ah war la faafiyay sanadkii 2021- dii kaas oo ahaa magaalada Qaahira ee dalka Masar laga furay goob dadku ay ku ooyn karaan.

Ilaa haddana ma jirto war sugan oo caddanaya in Hargeysa laga furay goob noocana, Warbaahinta Soomaalida faafisay sawirrada dalka Masar ayaan sidoo kale sheegin halka ay xogtan ka keeneen.

Waxaa aad u badan sanadahan dambe in faafinta wararka been abuurka ah kaas oo sahlay isticmaalka sii kordhaya ee  baraha bulshada .

Leave a Reply

Your email address will not be published.