KISMAAYO : Maxkamada Jubbaland oo kiis culus u fadhiisatay.

KISMAAYO : Maxkamada Jubbaland oo kiis culus u fadhiisatay.

Kismaayo (Raxanreeb )- Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga koowaad ee garmaqalka kiis uu eedeysane ka yahay Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi 44 jir gacanta lagu soo dhigay isaga oo dagaalamaya islamarkaana horjooge u ahaa koox Argagixiso ah oo qorsheynaysay in weerar gaadmo ah ay ku qaadaan xarun ay ciidamada kulahaayeen deegaanka Yoontooy ee Gobolka Jubbada Hoose balse xogtooda oo laga warqabay halkaasi lagu fashiliyay qorshihii ay damacsanaayeen.

44-jirkan ayaa gacanta lagu soo dhigay isaga oo dhaawac ah sanadkii 2021-ka.

Ciidamada maamulka Jubbaland oo helay xogta weerarka kusoo wajahnaa ayaa ka hortagay weerarkii Al Shabaab , waxa  ayna ciidamada gacanta ku dhigeen Ugaas Aadan oo dhaawac ah sannadkii 2021-kii.

Ninkan ayaa maxkamadda sheegtay in kooxda Al Shabaab ku biiray sanandkii 2008-dii, waxa uuna ninkan Al Shabaab uga soo shaqeeyay qeybta uruurinta xoolaha sakada , waxa uu sidoo kale kasoo mid noqday kooxda Al Shabaab ee loo yaqaan jabhadaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.