MW Xasan Sheekh & Asias Afwerki oo wada-hadal yeelanay + ujeedka.

MW Xasan Sheekh & Asias Afwerki oo wada-hadal yeelanay + ujeedka.

Asmara (Raxanreeb )- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah  Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah u  safaray  magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Dalka Ereteriya waxa  tababar ku qaadanaya qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Asmara shirar  kula qaadan doona dhiggiisa dalkaas Asias Afwerki, iyagoo ka wada hadli doona sii xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.