Saraakiil ciidan & shacab ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay.

Saraakiil ciidan & shacab ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay.

Muqdisho ( Raxanreeb )  Saraakiil ka tirsanaa ciidanka Dowladda iyo dad kale oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo lagu beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah qof isku soo xiray suunka qarxa ayaa gudaha u galay , xerada Saraakiisha ee kutaalla agagaarka wasaaradda gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa dadka dhintay kamid ah sarkaal lagu magacaabo Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle) oo ahaa Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Magaalada marka.

Qaraxa waxaa sidoo kale dhaawac uu kasoo gaaray Jeneraal Qaanso oo katirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka, waxaa sidoo kale jira saraakiil kale oo iyana qaraxa dhaawacyo kasoo gaareen.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali faah faahin ka bixin qaraxan khasaaraha dhaliyay ee galabta ka dhacay gudaha xerada Saraakiisha oo ku kasoo horjeeda xarunta wasaaradda gaashaandhigga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.