NISA oo sheegtay in  ay beegsatay Al – Shabaab & cida kala qayb gashay howlgalkaas oo ay shaacisay.

Muqdisho ( Raxanreeb )  War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya maanta oo Jimca ah ayaa lagu sheegay in 15 xubnood oo ka tirsan tirsan  Al-Shabaab ay dileen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in saraakiishaas Al- Shabaab ay ku dileen  howlgal qorshaysan iyo duqayn ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Khawaarijta iyo hubkii ay wateen ” sidaas waxaa lagu shergay warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab si loo helo gayiga Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.