Saraakiil Al- Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Sh. Hoose

Marka (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo caawa Deegaanka Mubaarak ee Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in halkaas lagu duqeeyay xubno ka tirsan Al- Shabaab.

In ka badan 15 qof oo ay ku jiraa xubno ka tirsan Al- Shabaab ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen duqeymahan oo ay gaysteen diyaarado dagaal.

Khasaaraha ayaa dhaawac ayaa ka badan 20 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah sida uu RBC u sheegay qof ku sugan deegaanka Mubaarak ee Shabeellaha Hoose.

Weerarkan ayaa lala eegtay Al- Shabaab mar meel fagaaraha maanta oo Jimcaha ay ku qabanayeen muxaadiro diini ah sida ay sheegayaan dadka degaanka.

” Ilaa iyo hadda waxa aan maqlanaa dhawaqa diyaaradaha ” sidaas waxaa RBC u sheegay qof aan la hadalnay isaga oo ku sugan deegaan u dhaw halka duqeynta ay ka dhacday.

Ma jirto cid sheegtay masuuliyada weerarkan maanta ka dhacay deegaanka Mubaarak ee Shabeellaha hoose halkaas oo ay maamulaan kooxda Al- Shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published.