HIIRAAN : Ciidankii ugu badnaa oo maan & howlgal ka socda.

Beledwayne (Raxanreeb ) Ciidan aad badan oo ka tiran Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Jimcaha ah gaaray deegaano dhawr ah oo ka mid ah gobolka Hiiraan – halkaas oo uu ka socdo guluf ciidan.

Waxa ay ku biirayaan ciidanka Dowladda kuwo kale iyo kooxda Macwiislayda oo dagaal kala soo horjeeda kooxda Al- Shabaab oo la xaqiijinayo in deegannada qaar laga saaray.

RBC war uu ka helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidankan ay yihiin kuwii ugu Badnaa iyo kuwa degaanka gurmad ahaan ay u gaareen degaanka Yasooman iyo nawaaxigeeda halkaaas oo dhawaan laga saaray kooxda Al- Shabaab .

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa u sheegay RBC in ciidankan ay ka kala yimaadeen Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyaga oo qeyb ka noqonaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda meelo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan waxaa ka soconayo howlgal balaaran oo ay ka qayb qaadanayaan ciidanka Dowladda Federaalka iyo kooxaha Macwiislayda kaas oo ka dhan ah kooxda Al- Shabaab.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa horkacayo Gulufka dagaal ee Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ka wadaan Gobolka Hiiraan

Leave a Reply

Your email address will not be published.