Ma waxa jira Heshiis wada-ogol oo ay gareen Soomaaliya & Itoobiya ?

Adis Ababa (Raxanreeb ) Madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo kulan – gaar ah ku dhaxmaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ilaa iyo hadda isku raacay dhawr qodob oo muhiim u ah labada dal.

Xog laga helay xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegeysa in wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaaminayey inay madaxda Itoobiya kulan laba geesoosd ah la qaateen Ra’iisulwasaare Abay Ahmed isla markaana ay diiradda ku saareen kulankooda in ay ka go’an tahay sidi loo xoojin lahaa xiriirka labada dal .

Heshiiskan ayaa labada dhinac ee Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare Abay Ahmed ay isugu raaceen si wada- ogol ah oo biya kama dhibcaan ah , maadama uu aad u hoseeyay markii hore xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhankiisa ayaa sheegay doorka ay Itoobiya ku lahayd taageeridda Soomaaliya iyo nafta ay u hurtay uu bogaadinayo.

Xafiiska Madaxweynaha Soomaalya dhankiisa wuxuu sheegay iney madaxda labada dal ka wada hadleen “sii xoojinta xiriirka labada dal ee drisnimada iyo walaaltinimada ku dhisan.

Wadahadalka dhexemaray madaxda dalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay madmadow uu ka jiray xiriirka labada dal, kadib markii dowladda Soomaaliya ay fasaxday Qaadkii ka imaan jiray Kenya, kaas oo culeys ku noqday middkii ka imaan jiray dowladda Itoobiya.

Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir soo jireen tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii kacaanka sanadkii 1991-kii, isyaga oo iskaashi ka lahaa dhinacyada amniga iyo gacansiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.