DEG DEG :Nabadoon caan ah oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay Moqokori.

Beledwayne (Raxanreeb ) Nabadoon Cilmi Hagar Guure ayaa Maanta oo Khamiis ah ku geeriyooday dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab oo ay horkacayaan kooxaha kacdoonka oo gacan ka helay kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu ahaa Cilmi Hagar Guure nabadoonka guud ee beesha Cali madaxweyne waxa uuna ku dhintay dagaal ka dhacay tuulada Ceel-qooxle ee hoostagta magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan uu ku geeriyootay Nabadoonka ayaa ahaa mid dhaxmaray dadka deegaanka iyo kooxda Al- Shabaab oo xooggiisa uu ka soconayo degaano badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Nabadoonkan ayaa meel fagaar ah waxa uu ka sheegay goor hore inuu diyaar u yahay inuu ku dhintay dagaalka xaq u dirirka ah ee ka socda gobolka Hiiraan si shacabka ay isaga dulqaadaan dhibaatada – kooxda Al- Shabaab.

Waxaa horkacaya dagaalka dadka deegaanka oo garab ka helaya ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.