Maamulka Wajeer oo dalbaday in gacan laga siiyo sidii looga hortagi lahaa cudurka Daacuunka

Wajeer (Raxanreeb) — Maamulka Ismaamulka Wajeer ayaa walaac ka muujiyay kiisaska laga diiwaangeliyay cudurka Daacuun Caloolaha oo gaaray in ka badan 115 qof oo qaarkood weli la ildaran yihiin lana jiifay goobaha caafimaadka si looga daweeyo xannuunkaas ku dhacay.

Dr. Maxamed Daahiye oo ah Madaxa guud ee fayadhowrka Ismaamulka Wajeer ayaa sheegay in cudurkaan uu ku faafi karo deegaannada uusan gaarin haddii aan loo istaagin sidii looga hortagi lahaa.

Ka maamul ahaan ayuu tilmaamay in ay xoogga saareen intii awooddooda ah sidii ay uga hortagi lahaayeen cudurka Daacuun Caloolaha si uusan u dhibaateyn bulshada ka caafimaad qabta waa sida uu hadalka u dhigay.

Koofurta Wajeer waxaa laga sameeyay Goobo Caafimaad oo loogu talagalay in lagu daweeyo Dadka uu haleelay cudurka Daacuun Caloolaha iyada oo la geeyay dhaqaatiir dadka ka daweysa xannuunka haya.

“115 qof ayuu cudurka ku dhacay, 15 kamid ah waxaa loo gudbiyay dhagaxley, 3 carruur ayaa u geeriyootay Daacuun Caloolaha, wacyigelin ayaa dadka u sameynay si ay uga qayb qaataan ilaalinta nadaafadda, haddii qof lagu arko shubanka lala socodsiiyo shaqaalaha caafimaadka si wax looga qabto oo uusan u faafin, haddii Bukaanka guriga lagu hayo waxaa faafaya cudurka waxaana ka habboon in goobaha caafimaadka la geeyo si uu daryeel u helo loogana fogaado faafitaanka” Dr. Maxamed Daahiye, Madaxa guud ee Fayadhowrka Wajeer.

Deegaanka Biyo-Madow ee dhanka Koofur ka jira Wajeer ayaa laga sameeyay Goob Caafimaad oo loogu talagalay in lagu daweeyo dadka uu ku dhacay Daacuun Caloolaha, dhaqaatiir u badan dadka deegaankaas ayaa la geeyay si ay u gacan qabtaan Bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.