Puntland oo sheegtay inay hadda kadib u dhaqmi doonto sidii dawlad madaxbanaan

Garowe (Raxanreeb) — Maamul goboleedkaPuntland ayaa ku dhowaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madaxbanaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madaxbannaan.

Waxay sheegtay Puntland in iyadoo raacaysa qodobo ka mid ah dastuurka federaalka iyo dastuurka Puntland ay si gooni ah dawladda federaalka ugala xaajoon doonto heshiisyada dawlad dhiska, gaar ahaan dhammaystrika datsuurka iyo heshiisyada kale ee siyaasiga ah ee awood qaybsiga, habdhiska amniga, wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah.

Puntland ayaa sheegtay in loo baahan yahay in meesha laga saaro hagardaamada fashilin karta geeddi socodka dawlad dhiska, lana ixtiraamo qaawaaniinta lagu heshiiyey gaar ahaan dastuurka ku meelgaraka ah.

Hoos ka aqriso qoraalka Puntland oo dhameystiran:

Go’aanka Dowladda Puntland ee geeddi socodka dowlad dhiska hannaanka Federaalka Soomaaliya

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay boggaadineysaa dadaalka 18 sano jirsaday ee dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana soo bilowday heshiiskii ka soo baxay Shirweynihii Mbagathi Kenya ee sanadkii 2004, kaas oo lagu aasaasay Dowladda Federaalka ah iyo Dastuurka kumeel gaarka ah ee lagu unkay hannaanka federaalka ee Dalka.

Dowladda Puntland iyo Shacabkeeduba waxay hormuud ka noqdeen geeddi socodka dib loogu hirgeliyey dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan

1.Puntland waxay ciidan, dhaqaale iyo maskaxba ku bixisay in Dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Federaalka ay dib uga hawlgasho Caasimadda Soomaaliya 14 sano kadib markii Dowladdii dhexe meesha ka baxday 1990kii.

2.Waxay qayb ka qaadatay in la gaaro heshiisyo lagu hubinayo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarnimada si dib u dhis loogu sameeyo hay’adaha dowliga ah, loona hagaajiyo amniga iyo hannaanka maamulka, isla markaasna kor loo qaado dhaqaalaha Dalka. Tusaale; shirarkii taariikhiga ahaa ee Garowe – 1, Garowe – 2 iyo Gaalkacyo.

3.Dowladda Puntland waxay sidoo kale qayb ka qaadataa wada xaajoodyada looga arrinsanayo amniga guud ee Dalka, dhaqaalaha, horumarinta qawaaniinta ku dhisan hannaanka federaalka ah ee Dalka sida dib u eegista Dastuurka kumeel gaarka ah

  1. Dowladda Puntland waxay si hagar la’aan ah u siisaa taageero dhinacyo badan leh dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Federaalka ah

5.Puntland waxay qayb ka qaadataa doorashada hay’adaha Federaalka ah sida Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo doorashada Madaxweynimada intaba.

Iyadoo Dowladda iyo Shacabka Puntland ay sidaas mar walba diyaar ugu yihiin ka mid ahaanshaha dadaalka dowlad dhiska Soomaaliya heerarkeeda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, waxaa Dowladda iyo Shacabka Puntlandba u caddaatay in geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya u baahan yahay in meesha laga saaro hagar daamada fashilin karta geeddi socodka, lana ixtiraamo qawaaniinta lagu heshiiyey, gaar ahaan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya.

Si loo gaaro heshiisyo wadar oggol u ah arrimaha horutabinta u leh dhammeystirka dhismaha hannaanka federaalka ah ee Dalka, Dowladda Puntland waxay u aragtaa in ahmiyad la siiyo dhammeystirka qodobada soo socda:

  1. In Dalka laga xoreeyo Argagixisada Al Shabaab iyo Daacish
  2. In heshiis wadar oggol ah laga gaaro arrinta Somaliland.

a) Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland
b) Dowladda Puntland iyo Somaliland

  1. In heshiis siyaasadeed oo wadar oggol ah laga gaaro qorshaha dowlad dhiska
  2. In heshiis loo dhan yahay laga gaaro Maqaamka Caasimadda Soomaaliya
  3. In laga heshiiyo hab dhiska hannaanka federaalka ah si loo helo awood qaybsi ku dhisan hab wadar oggol ah.

“inta laga dhammeystirayo Dastuurka Federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel mariyey, Puntland waxay lahaanaysaa awood dowlad madax bannaan”

Dowladda Puntland ee Soomaaliya, iyadoo illaalinaysa midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, xoojinaysana doorkeeda dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana duulaysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka, waxay go’aan ku gaartay:

  1. Si waafaqsan Dastuurka Federaalka qodobadiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, qodobka 53-aad, farqadihiisa 1, 2, & 3-aad iyo Dastuurka Dowladda Puntland qodobka 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay si iyada gooni u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajooto heshiisyada dowlad dhiska gaar ahaan tubta dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka, heshiisyada siyaasiga ah ee awood qaybsiga, hab dhiska amniga, heshiisyada habka wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah.
  2. Inta laga dhammeystirayo wada xaajoodyada Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland ee arrimaha kor kuxusan, Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland waxay dhiggooda Dowladda Federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha Dowladda Puntland si waafaqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4- aad, farqaddiisa 3-aad.
  3. Si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka Federaalka Soomaaliya, qodobkiisa 51-aad, farqaddiisa 2-aad, xarfihiisa a, b & c, Dowladda Puntland waxay xiriir walaaltinimo, daris wanaag iyo wada shaqeyn la yeelan kartaa Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si laysaga kaashado danaha ka dhexeeya.
  4. Dowladda Puntland waxay daneeyayaasha Beesha Caalamka iyo Dowladaha Gobolka uga mahad celinaysaa garab istaagga joogtada ah ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadantinimo.

-DHAMMAAD-

Leave a Reply

Your email address will not be published.