Maxay ka wada hadleen labada Ra’iisul Wasaare Soomaaliya iyo Masar

Maxay ka wada hadleen labada Ra’iisul Wasaare Soomaaliya iyo Masar

Qahira (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta Masar Mostafa Madbouly waxa ay ku heshiiyeen dhowr qodob oo muhiim u ah labada Dowlad sida lagu sheegay war kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya.

Amniga, Ganacsiga, Maalgashiga, Waxbarashada, Caafimaadka, Xoojinta Xiriirka labada Dal, Isbaddelka Cimilada & qodobo kale oo miiska lasoo dhigay muddada uu socday wadahadalka labo geesood ah ee Ra’iisul Wasaareyaasha Soomaaliya & Masar.

Jamhuuriyadda Carabta Masar ayaa Soomaaliya ayaa u ogolaatay in ay fursad u hesho ka qaybgalka tartamada Qur’aanka Kariimka & in ay xubno ku yeelato Guddiyada qabta tartankaas sida hadalka loo dhigay.

“Soomaaliya & Masar waxa ay gaareen heshiis 5 qayb ka kooban oo kor loogu qaadayo iskaashiga labada Dowladood ee dhinaca Waxbarashada, Warfaafinta, Dhaqanka, Diinta & awqaafta, in Dadweynaha Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado ay uga qaybgeli karaan tartamada qur’aanka kariimka, in la kordhiyo Ardayda deeqda Waxbarasho ka heleysa Masar, kordhinta takhasusaadka kala duwan ee u furan Ardayda Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka XFS Farxaan Maxamed Jimcaale.

Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Masar waxaa ka dhaxeeya xiriir muddo fog jiray, Xukuumadaha Muqdisho & Qaahira ayaa ku heshiiyay in ay xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya isla markaana dhanba dhanka kale ku garab istaago kaalmada uu uga baahan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.