Madagascar oo lagu dilay 11 qof oo dibadbaxayaal ah.

Madagascar oo lagu dilay 11 qof oo dibadbaxayaal ah.

Antananarivo (Raxanreeb ) Ciidanka Booliska dalka Madagascar ayaa toogasho ku dilay in ka badan 11- qof oo ka mid ahaa dad doonayay in ciidanka boolisku ay u gacan geliyaan afar qof oo loo haystay inay afduubeen ilmo yar.

Sidoo kale ilmaha Hooyadii ayaa lagu soo waramayaa in la dilay , taas oo cara badan ay ka dhalatay sida ay ku warantay wakaalada wararka AFP.

Dadwayne badan oo ka caraysan falkaas ayaa isugu soo baxay ilinka hore ee saldhiga , waxa ayna ciidanka ay isku dayayeen in dadkaas ay kala cayriyaan si xaaladu aanu faraha uga bixin.

Dadka loo haysto tuhunka afduubkaas oo dadkan ay dalbanayaan in loo soo gacan galyo dadwaynaya ayay boolisku ay diideen isla markaana ay – ku hayn doonaan saldhigga cadaaladana ay la marsiin doono.

Booliska ayaa dibadbaxyaasha u isticmaalay sunta dadka kaga ilmaysiisa, si ay u kala eryaan, hase ahaatee arrintaasi xal may keenin, waxaana sii batay buuqii iyo rabshadihii taas oo horseedday in ciidamada boolisku ay rasaas adeegsadaan.

Madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina ayaa sheegay inuu aad uga murugooday markii uu maqlay warka ku saabsan in dadka la dilay.

Madaxwaynaha dalkaas ayaa codsaday in la dejiyo, xaaladda wuxuuna caddeeyay in baaritaan Dowladda ay ku samayn doonto lagana war sugo Hay’adaha cadaaladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.