Karaan oo lagu dilay masuul ka tirsan maamulka Degmadaas.

Karaan oo lagu dilay masuul ka tirsan maamulka Degmadaas.

Muqdisho (Raxanreeb )Masuul ka tirsan maamulka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay xalay gudaha degmada Karaan ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee Maamulka degmada yaaqshiid, Macallin Xuseen (filla-wayne) ayaa dadka goobjoogayaasha ah waxa ay sheegeen in lala eegtay qarax xilli uu ku sugnaa meel kamid ah Xaafada Buulo Maaxaay ee degmada Kaaraan.

Saraal ka tirsan maamulka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in masuulkan – gaari uu watay lagu xiray qarax kaas oo sababay dhimashadiisa.

Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa waxyeelo dhaawac cuslus uu ka soo gaaray ilaalada masuulkan ka tirsan maamulka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ka dib waxaa goobta gaaray saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaas oo maydka ka qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay , dhaawacna geeyay isbitaalada magaalada Muqdisho.

Hay’adaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ma aysan ka hadlin qaraxan lagu dilay masuulkan ka tirsan Maamulka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Degmada Kaaran ee Muqdisho ayaa ka mid ah degmooyinka sida aad ah uga dilaacay cayaar weerarada kuwaas oo falal amni ka gaysta xaafadaha degmadaas , kuwaas oo ilaa iyo hada aan lagu – guulaysan in wax laga qabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.